Wasiirka Amniga oo Xariga ka jaray Xarunta Carruurta Agoonta Ciidanka Booliiska DF

Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Amniga Somalia, Maxamed Abuukar Isloow ayaa 27-sano kaddib Maanta xarigga ka jaray xarunta carruurta Agoonta Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, iyadoo ay ka qayb-galeen munaasabada xarig-jarka ku simaha ahna taliye ku-xigeenka Booliska Somalia, Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax, la-taliye sare ee xafiiska madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda, Maxamuud Axmed Nuur [Tarsan] iyo Mas’uuliyiin kale.

Xaruntaan oo ku Taalla Dhabarka dambe ee Isbitaalka Madiina, ayaa waxaa loogu magacdaray taliyihii ugu horeeyay ee ciidanka Booliska Somalia, Jen. Maxamed Abshir Muuse oo dhawaan ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Sidoo kale, Xaruntan lagu Xanaaneynayo Carruurta Agoonta Booliiska, ayaa waxaa ku jira 20-carruur ah oo Waaliddiintooda ku waayay Qaraxii 14-kii Oktoobar ee sannadkan ka dhacay Isgoyska Zope ee Muqdisho.

Ugu dambeyn, Xaruntaan Agoomeed ayaa waxay ka kooban tahay Qayb jiif ah, iskuul wax lagu barto, dugsiga Qur’aan, Masjid iyo Garoon kubadeed oo loogu talo-galay inay caruurta agoonta ah ku cayaaraan.

 

PUNTLAND POST