Ra’iisul Wasaare Khayre oo sheegay AMISOM inay ka baxayso Garoonka Muqdisho Stadium

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa  ka dhawaajiyay in ciidamada AMISOM ee deggen Garoonka Stadium Muqdisho ee cayaaraha ay sanadka soo socda 2018 ka bixi doonaan garoonkaas, si loo dayactiro.

Xasan Kheyre ayaa sheegay in la gaaray xilligii la isticmaali lahaa Garoonka, isla markaana ay dib uga billaaban doonaan cayaaraha kubadda cagta, halka haatan lagu cayaaro hal garoon oo keliya.

“In dib loogu soo celiyo Garoonka Stadium Muqdisho gacanta shacabka waa mid ka mid ah qorshaha Dowladda, Waxayna fursado balaaran u abuureysaa dhallinyarada Soomaaliyeed.” ayuu yiri Khayre oo ka hadlayay Munaasabad lagu sagootinayay xulka kubbada cagta Jubbaland oo ku guuleystey tartankii ciyaaraha maamul-goboleedyada dalka oo dhawaan Muqdisho lagu qabtay.

Sidoo kale, Hadalka Khayre ka jeediyay xafladii sagootinta ayuu ku sheegay in dadaalku uu yahay mid guul laga gaaro isagoo tusaale u soo qaatay xulka Jubbaland oo sannadkii hore loogaga badiyay ciyaarta finalka balse marka ay isi soo dhiseeen oo ay dadaaleen ay sanadkan koobkii ku guuleystey.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha xiriirka kubbada cagta Soomaaliyeed, C/qani Siciid Carab ayaa soo dhoweeyay warka ka soo baxay RW Kheyre, wuxuuna sheegay in ciyaaraha Somalia ay hormari doonaan haddii dib loo dayac-tiro oo lagu ciyaaro garoonka Muqdisho Stadium.

PUNTLAND POST