Rabshadaha u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada oo Saameeyay Baarlamaanka Itoobiya

Addis Ababa (PP) ─ Xildhibaannada kasoo jeeda Amxaarada iyo Oromada ayaa Qaadacay kulanka Baarlamaanka dalka Itoobiya, iyagoo ka careysan rabshadaha u dhexeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Mudanayaashu waxay sheegayaan inaysan jirin sabab uu Baarlamaanka u kulmo illaa Ra’iisul Wasaare Hailemariam Desalegn uu ka bixinayo sharaxaad ku saabsan qalalaasaha u dheexeeya qowmiyadaha ee dalka ka taagan.

Sidoo kale, Amxaarada iyo Oromada waxay muddo ka dibadbaxayeen waxay ku tilmaameen faquuqa siyaasadeed iyo midka dhaqaale ee ay sheegeen in si gaar ah iyaga loogu hayo.

Muddo bilo ah waxaa socdo dagaal dad badan ay ku dhinteen oo u dhexeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada. Toddobaadkii lasoo dhaafay ayaa in ka badan 60-qof oo Soomaali ah lagu dilay Gobolka Oromada ee Itoobiya.

Dhanka kale, Arbacadii lasoo dhaafay ayaa Xisbiga EPRDF ee talada wuxuu ku eedeeyay Golihiisa Fulinta inay awoodi waayeen inay rabshadaha dalka taagan ay xal u helaan.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Hailemariam Desalegn oo ka hadlay TV-ga dalkaasi ayaa sheegay in dadka Soomaalida ah lagu laayay gudaha Xero Booliis oo ku taalla Gobolka Oromada.

Inkastoo Desalegn uusan sheegin tirada Soomaalida ah ee la dilay, ayaa la sheegayaa in tirada la laayay ay u dhaw yihiin 100-qof, wuxuuna Desalegn sheegay in dhibaato badan ay ka dhacday goobtaas.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya ayaa xaqiijiyay in guddi loo saaray arrinta si ay u soo baaraan ka dibna wuxuu sheegay in waxa sharciga uu ka qabo lagu qaadi doono kuwa dambiga uu ku cadaado.

PUNTLAND POST