Cayaarta Final-ka Koobka Kooxaha Maamul-goboleedyada Soomaaliya oo billaabatay

Muqdisho (PP) ─ Waxaa Garoonka Kubadda Cagta ee Banadir Stadium ka billaabatay cayaartii kama dambeysta ahayd [Final-ka], Koobka Kooxaha maamul-goboleedyada Somalia, taasoo ay Cayaarayaan kooxaha Puntland iyo Jubbaland.

Labada xul ayaa waxay soo bandhigeen cayaar aad u wanaagsan, waxaana koox walba ay isku dayaysaa galabta inay koobka loo tartamayo galabta ay iyadu hanato, iyadoo la xusuusto in koobkan ay sannadkii hore qaateen xulka Puntland.

Cayaartana ayaa waxaa daawanaya taageerayaan fara badan oo ka kala socda labada maamul-gobleed iyo dadweyne kale oo Reer Muqdisho ah; waxaana cayaarta galabta ay soo af-jaraysaa cayaarihii ay toddobaadyadan cayaarayeen kooxaha maamul-goboleedyada dalka.

Haddaba; DAAWO Cayaarta Final-ka ah ee Koobka Maamul-goboleedyada;

PUNTLAND POST