AKHRISO: Guddoomiye Jawaari oo ka Jawaabay hadalkii Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan [Jawaari] ayaa u qoray Xeer-ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir Warqad jawaab u ah codsigii uu Xeer-ilaaliyaha soo gudbiyay oo ahaa Xasaanad-ka-qaadidda Xildhibaanada kala ah Xasan Macalin iyo Cabdisaabir Nuur Shuuriye.

Warqadan oo ka ku Taariikheysan 19-ka bishan December 2017-ka, ayaa ka soo baxday shir gaar ah oo ay bishan 18-keedii yeesheen gudiyada joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya ayaa ku dhaliilay Xeer-ilaaliyaha in iyadoo aanu guddoonka soo gaarin warqadii codsiga Xasaanada uu Saxaafadda ka sii daayay, isla markaana ka sheegay magacyada labada xildhibaan, taasoo lagu sheegay inay mid qalad ah oo baal marsan sharciga.

Haddaba, AKHRISO; Qoraalka kasoo baxay Guddoonka Baarlamaanka Somalia;

PUNTLAND POST