Madaxa UNHCR oo sheegay in Somalia ay ka jiraan Rajo iyo Amni-darro is-barbar socda

Muqdisho (PP) ─ Madaxa Hay’adda Qoxootiga Adduunka ee UNHCR, Filippo Grandi oo dhawaan booqasho ku yimid Somalia ayaa sheegay in wadanka ay ka jiraan rajo iyo amni-darro is-bar-bar socda, isagoo sheegay in rajadu ay tahay mid aad u wanaagsan.

Filippo Grandi, wuxuu xusay in qoxootiga Soomaaliyeed ee dib ugu laabtay dalkooda Somalia ay qayb ka qaadan karaan horumarka ka socda xilligaan; balse wuxuu qiray inay jirto amni-darro daran oo mararka qaarkood dhacda.

“Magaalada Kismaayo oo aan booqday waxaan ku arkay burburkii dagaalladii sokeeye ay geysteen. Balse waxaa muuqda calaamado ay ka mid yihiin inay dib u soo laabanayso bilicdii magaalada,” ayuu yiri  Grandi.

Sidoo kale, Wuxuu sheegay in qoxooti fara badan oo ka laabtay Dhadhaab ay billlaabeen nolol ka duwan middii qoxootinimada oo ay muddo sannado ah ehel u ahaayeen, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay horumarka dalka ka jira.

Dib u celinta Qoxootiga ku nool Xeryaha Dhadhaab waxay billaabatay laba sanno ka hor ka dib markii ay ku heshiiyeen Dowladaha Somalia, Kenya iyo Hay’adda UNHCR.

Qaxaatiga la celinayo waa kuwa ayaga iskood u go’aansaday in ay dib ugu noqdaan dalkooda. Heshiiskan ayaana mamnuucaya in khasab lagu celiyo qofkii aan dooneyn inuu Somalia ku laabto.

“Qaxootiga waxay noqonayaan Awoodda dalka dib loogu dhisayo marka ay iyaga go’aansadaan inay dib u noqdaan dalkooda,” ayuu yiri Grandi oo ku daray intaas – Inay inkabadan 100,000 oo qof ay ka caawiyeen in ay dib ugu laabtaan Soomaaliya, labadii sanno ee la soo dhaafay.

Dhank kale, in ka badan hal milyan oo Qof oo Soomaali ah ayaa weli Dunida Qoxooti ku ah, sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay. Iyadoo Grand uu la kulmay dhallinhyaro dib ugu noqday Somalia oo qaar ka mid ah ay muddo ku noolaa Xeryaha Dhadhaab. Isagoo tallaabadaas u arkaa inay rajo aad u wanaagsan u noqonayso in Somalia ay kasoo kabsato colaadaha ragaadiyay.

Ugu dambeyn, Filippo Grand ayaa intii uu Somalia ku sugnaa wuxuu kusoo bandhigay Kismaayo guryo cusub oo loo diyaariyay qaxootiga doonaya inay ka noqdaan xeryaha Dhadhaab oo ay Qayb ka noqdaan dib u dhiska dalka.

PUNTLAND POST