C/raxmaan C/shakuur oo Maxkamad lasoo taagay iyo Caddeymo dheeraad ah oo la dalbaday

Muqdisho (PP) ─ Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa goor-dhaw soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwad ay Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka ku soo oogtay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, kaasoo habeen hore ciidamada amniga Dowladdu ay gurigiisa ku weerareen kana soo qabteen.

Xeer-ilaalinta ayaa ku eedeysay C/raxmaan C/shakuur dambiyo ay ka mid yihiin, Qiyaano qaran, Inqilaab iyo kuwa kale, laakiinse Maxkamadda ayaa dalbatay in caddeeymo loo keeno eedeymahaas. iyadoo la diiday in damiin lagu sii daayo siyaasigan oo weli ku xiran xabsiga NISA ee Muqdisho.

Sidoo kale, XeerIlaalinta ayaa la sheegay inay dalbatay in muddo shan casho ah loo siiyo inay ku keento caddeymaha dacwadda loo haysto siyaasigan oo si aad ah u dhaliila xukuumadda hadda jirta.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ka diiday dalabka Xeer-ilaalinta, waxaana uu u qabtay in muddo 24-saac gudahooda h ay ay kusoo gudbiyaan caddeymaha ay u hayaan eedeynta siyaasigan.

Dhanka kale, C/raxmaan C/shakuur ayaa waxaa u doodayay Qarreenno, kuwaasoo Maxkamadda ka sheegay in qaabkii loo maray xarigiisa ay ahayd mid sharci darro ah.

Ugu dambeyn, Arbacada Berri ah ayaa lagu wadaa in Maxkamadda la isugu soo noqdo, iyadoo laga sugayo Xee-ilaalinta Qaranka inay caddeymo u keento eedeymaha ay ku soo oogtay C/raxmaan C/shakuur.

PUNTLAND POST