Xildhibaan Cosoble: Weerarkii xalay dhacay wuxuu khatar ku yahay Dowladnimada iyo xasilonida


Muqdisho (PP) ─
Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ka mid ahaa xubnihii u tartamay Xilka Madaxweynaha, ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka ayaa si weyn uga soo hor-jeestay tallaabadii xalay Ciidamada ammaanka ku weerareen Guriga C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Xildhibaanka ayaa ku tilmaamay falkaan mid fool-xumo iyo caqabad weyn ku ah jiritaanka Dowladnimada Somalia, wuxuuna qoraal uu soo saaray ku yiri. “In qof siyasad kugu khilafsan loo adeegsado ciidanka qaranka welina ay dad ku dhintaan waa dembi keeni kara burbur ku yimada dowladnimada mana aqbali doono haddii aan nahay masuuliyiinta Qaranka.”

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa sheegay inay Somalia ka gudubtay xilligii ku tagri-falka awoodda iyo ciidanka Qaranka, arrintii xalay Muqdisho ka dhacdayna waa arrin khatar ku ah dowladnimada iyo xasiloonida dalka.

“Waxaan aaminsan-nahay in Somalia ay ka gudubtay waqtigii ku tagri-falka awoodda iyo ciidanka qaranka, arrinta xalay ka dhacday Muqdisho waa arrin khatar ku ah Dowladnimada iyo Xasilloonida Dalka, waxay u baahan tahay in laga hortago, si anan u burburin wixii yaraa ee an gaarnay Sannadihi lasoo dhafay,” ayuu xildhibaanku hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, Ciidanka Amniga, gaar ahaa kuwa NISA ayaa xalay weeraray guri uu degenaa C/raxmaan C/shakuur, iyagoo xabsiga u taxaabay, waxaana howl galkaas ku dhintay afar ka mid ah Ilaaladiisa.

PUNTLAND POST