Xildhibaan C/fataax Geeseey oo Sharaxay sidii xalay lagu Qabtay C/raxmaan C/shakuur

Muqdisho (PP) ─ Xildhibaan C/fataax Ibraahim Maxamed Geeseey oo xildhibaannada baarlamaanka Somalia ka mid ah ayaa sheegay in xalay markii weerarka lagu qaadayay guriga C/raxmaan C/shakuur Warsame uu ku sugnaa guriga, isla markaana uu dhacay dagaal muddo nus saac ah socday.

Weerarkan ayaa waxaa la xaqiijiyay in lagu dilay shan ka mid ah ilaaladii gaarka ahaa ee C/raxmaan C/shakuur, isla markaana siyaasiga dhaawac uu kasoo gaaray mid ka mid ah gacmihiisa.

“Intuusan weerarku dhicin 5-daqiiqo ka hor ayaan galay guriga C/raxmaan C/shakuur, waxaana ila socday dhawr dhallinyaro ah, markii aan salaanay, ayaa waxaa bannaanka guriga ka dhacay buuq muddo daqiiqado ah socday, kaddibna dagaal ayaa billowday,” ayuu yiri Xildhibaan Geeseeye oo VOA-da u warramayay.

Sidoo kale, Xidhibaankan ayaa sheegay in dagaalka uu socday muddo nus-saac ah, isla markaana qof walba uu argagaxay, wuxuuna intaas ku daray in C/raxmaan C/shakuur Warsame uu ka dhaawacmay inta u dhexeysa xusulka iyo gacanta, dhaawiciisana uu ahaa mid fudud.

“Weerarkan waxaan u arkaan inuu ahaa kaa awood badni, waana weerar abuuri kara shakiyo badan oo ku aaddan maamulka dalka,” ayuu hadalkiisa ku daray xildhibaan C/fataax Geeseeye.

Dhanka kale, Xlidhibaanka ayaa sheegay in shan ka mid ah dhallinyaradii ilaalada u ahayd C/raxmaan C/shakuur ay goobta ku Geeriyoodeen, isla markaana lagu armay dagaalka kaddib inaan dibadda u soo baxno, markaas ayayna ciidamadu wateen C/raxmaan C/shakuur.

Hay’aadaha Ammaanka Dowladda Somalia ayaan weli ka hadlin weerarkii ay xalay ciidamada amnigu ay xalay ku qaadeen guriga C/raxmaan C/shakuur, iyadoo weerarkan uu noqonayo kii ugu horreeyay noociisa oo ay ciidamada Dowladda Somalia la beegsadaan siiyaasiyiinta mucaaradka ah kuna xiraan.

Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxaa si aad ah u dhaleeceeyay qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia, wuxuuna weerarkan kusoo beegmayaa iyadoo shalay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu sheegay inay jiraan xildhibaanno dambiyo galay, kuwaasoo uu dalbaday in xasaanada laga qaado si sharciga loo horkeeno.

PUNTLAND POST