Xukuumadda FS oo la weydiistay inay soo gudbiso Tirada Ciidamada Shisheeye ee ku sugan Dalka

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka dalbaday Xukuumadda inay u soo gudbiso tirada ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan.

Hadalkan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay oo uu ku dhawaaqo Jawaari oo ah guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, inkastoo ciidamadan shisheeye ee dalka u sugan ay ku joogaan ogolaasha baarlamaanka Soomaaliya.

“Waxaa maqalnay in ciidanka AMISOM ay dalka ka baxayaan, sidaa darteed haddii ay baxayaan waa in aan xog ka hayno. Sugidda Amniga anaga dhan ayuu waajib naga saaran yahay Xukuumadda kaliya ma ahan,” ayuu yiri Guddoomiye Jawaari oo intaa ku daray inay muhiim tahay in marka ciidamo imaanayaan iyo marka ay baxayaan la ogaado.

Sidoo kale, Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in Baarlamaannada kale lala socodsiiyo marka askar dalkooda la keenayo, isla markaana iyagoo aan ansixin aan askar dalkooda la geyn sida uu hadalka u yiri.

“Waa inaan nala socodsiiyo oo aan ogaano ciidamada shisheeye nidaamka iyo shuruudaha ay ku joogaan, waa arrin meel gaar naga taabaneysa, baarlamaanada kale hal askari marka bannaanka laga keenayo xataa waa loo geeyaa, iyagoo aan ansixin dalkooda looma geeyo,” ayuu yiri Jawaari.

Dhanka kale, Jawaari ayaa sheegay in gole ahaan ay xaq u leeyihiin, isla markaana tahay arrin lagama maarmaan, waxaana uu faray guddiyada arrimaha gudaha iyo difaaca inay arrintan il gaar ah u yeeshaan.

Ugu dambeyn, 22-kun oo Askari oo ka socda Midowga Afrika ayaa ku sugan Somalia, sidoo kale Ciidammo Mareykan ah oo gaaraya boqollaal askari, ciidamo ka socda dalalka Ingiriiska, Talyaaniga iyo dalal kale ayaa ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo taageeraya Ciidamada AMISOM iyo kuwa Somalia.

PUNTLAND  POST