Xildhibaanno Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan oo lagu eedeeyay inay galeen dambiyo

Muqdisho (PP) ─ Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa dacwad kusoo oogay labo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Somalia, kuwaasoo lagu eedeeyay inay galeen dambiyo.

Dr. Axmed Daahir ayaa faray Hay’addaha sharci-fuliyeyaasha, sida booliiska iyo hoggaanka baarista dambiyaya in wixii maanta ka dambeeya ay gutaan waajibaadkooda.

Sidoo kale, Wuxuu sheegay in Guddoomiyaha baarlamaanka ay u gudbiyeen qoraal cadeynaya labo xildhibaan oo galay fal dambiyeedyo waa weyn, sida abaabul iyo sharci darro qaran dumis, isla markaana cadeymahooda oo dhameystiran la haayo

Xeer-ilaaliyaha guud ayaa dalbaday in xildhibaannada kala ah Xasan Macalin Maxamuud iyo Cabdisaabir Nuur Dhuuriye laga qaado xasaanada, si loo hor-geeyo sharciga.

“Xildhibaannada kala ah; Xasan Macallin Maxamuud iyo C/saabir Nuur Shuuriye waxay galeen dambiyo Qaran-dumis, waa in xasaanadda laga qaadaa, baaris-dheer kaddib waxaa ku cadaatay Dowlad-dumis iyo inay dhaqaale ka soo qaateen dowlado shisheeye,” ayuu yiri Dr. Axmed Cali.

Dhakna kale, Xeer-ilaaliyaha ayaa hadalkiisa ku daray in xildhibaanno kale oo dhibaatooyin noocan oo kale ah wada ay jiraan, isla markaana uu amar ku siiyay hay’adaha amniga inay baaritaanno ku sameeyaan si ciddii ay ku cadaato sharciga loo hor-geeyo.

Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa noqonaysa middii ugu horreysay nooceeda oo uu ku dhawaaqo xeer-ilaaliayaha Qaranka, wuxuuna hadalkaan uu kusoo beegmayo iyadoo dhawaanahan ay jireen hadallo ku aaddan mucaaradnimo.

PUNTLAND POST