Wariye muddo ku xirnaa Dalka Itoobiya oo Maanta dib loogu soo celiyay Muqdisho

 
Muqdisho (PP) ─
Wariye Maxamed Aweys Muudeey [Boqorka bartamaha] oo muddo afar sano ah ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta dib loogu soo celiyay Muqdisho, kaddib markii maalin ka hor xabsigii ku xirnaa laga sii daayay.

Suxufigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan Dowladda Somalia, suxufiyiin iyo qaar ka mid ah madaxda saxaafadda Soomaaliyeed, isagoo halkaas kula hadlay suxufiyiintii iyo dadkii kale ee soo dhaweeyay.

“Waxaan u mahad-celinayaa Dowladda Itoobiya oo aqbashay inay xabsiga iga sii dayso muddo sannado ah kaddib, waxaana sidoo kale u mahad-celinayaa Dowladda Somalia oo codsigeeda la isugu sii dayay,” ayuu yiri Boqorka Bartamaha.

Isagoo sii hadalaya ayuu Wariye Muudeeya sheegay inuusan wax dambi ah gelin, balse ay amarka ALLE ku noqotay in la xiro, haatanna laga soo daayo xabsigii lagu xiray ee Itoobiya.

“Dowladda Itoobiya, waxaan weydiisanayaa inay xabsiyada dalkeeda kasii dayso tiro muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo muddo sannado ah halkaas ku xirnaa,” ayuu hadalkiisa daba-dhigay Muudeey.

Wariyaha ayaa hadalkiisa ku daray in Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee uu tilmaamayo ay ku xiran yihiin xabsiyo ku yaalla dalalka Jigjiga iyo Addis Ababa oo ah xarunta Itoobiya.

Ugu dambeyn, Wariye Boqorka-bartamaha ayaa waxay dowladda itoobiya ku xukuntay 27-sano oo xabsi ah, kaddib markii la sheegay in lagu helay falal argagaxiso, inkastoo wariyuhu uu diiday in eedeyaha loosoo jeediyay ay ahaayeen kuwo sax.

PUNTLAND POST