Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo la kulmay Madaxa Qaxootiga Adduunka

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo ay weheliyaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somalia ayaa la kulmay Madaxa Qaxootiga Adduunka u qaabilsan QM Filippo Grandi oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, waxaana kulan looga hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa Arrimaha Qaxootiga Soomaalida ee ku nool waddamada deriska iyo caalamka intiisa kale.

Khayre ayaa uga mahadceliyey madaxa Qaxootiga caalamka taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed ee barakacay sanadihii ay dalka ka jirtay colaaddu, isagoo xusay xiligan oo dalku soo hagaagayo in dawladdu diyaar u tahay wixii macaquul ah ee sahlaya dib-u-soo noqoshada dadka qaxootiga ah.

“Somalia diyaar ayay u tahay inay Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee caalamiga kala shaqeyso hirgelinta barnaamijyada dib u soo celinta qaxootiga Soomaalida, waana u mahadceliyaa dawladihii martigeliyey dadkeena waqtigii adkaa ee la soo maray”.Ayuu yiri RW Khayre.

Ugu dambeyn, Wafdiga uu hoggaaminayo madaxa Qaxootiga Adduunka ayaa waxaa kamid ah Wakiilka Hay’ada u qaabilsan Somalia Maxamed Cabdi Afey, iyadoo ay kulamo kale la yeesheen Madaxweynaha Somalia maalinta berri ahna booqan doonaan degmada Kismaayo ee dawlad-gobolleedka Jubaland.

PUNTLAND POST