Dowladda Somalia oo War Qoraal ah kasoo Saartay Soomaalida ku xiran Dalka Liibiya

Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Arrimaha dibadda Somalia ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay tahriibayaasha Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Liibya, iyadoo lagu sheegay warbixinta in loo kuur-galayo xaaladda ay ku sugan yihiin Soomaalidaas.

Haddaba, War-saxaafadeedka Xukuumadda Somalia ay soo saartay ayaa wuxuu u qornaa sidan;

Kaddib markii Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Maxamed, uu wadatashi kala yeeshay dhibaatada isa soo tareysa ee Soomaalida ku sugan Liibiya, ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Yusuf-Garaad Cumar u xil saaray Danjiraha Somalia u fadhiya Xarunta Midowga Yurub ee Brussels, Dr. Cali Saciid Faqi inuu u kuur-galo, soo ururiyo, Warbixinna ka soo diyaariyo xogta dhabta ah ee Soomaalida ku xanniban dalka Liibiya.

Maaddaama uu Madaxweynuhu amar ku bixiyay in ay Dowladdu deg deg u qaaddo tallaabo kasta oo sharci ah oo Soomaalida Liibiya loogu soo celin karo dalkooda hooyo, Wasiirku wuxuu Danjiraha farayaa in uu laba toddobaad gudahood ku soo diyaariyo xog sugan oo ku saabsan Soomaalida joogta dalka Liibiya iyo waliba talooyin ku saabsan waxa la gudboon Dowladda Soomaaliya in ay ku dhaqaaqdo.

Mas’uuliyiinta iyo hey’adaha Dowladda ee uu u baahdo in uu waajibkaas loo xil saaray uu la kaashado, wuxuu Wasiirku ka codsanayaa in ay Danjiraha gacan ku siiyaan gudashada waajibaadka Qaran ee xasaasiga ah.

Ugu dambeyn, Waxaa xusid mudan in Danjiraha Somalia u fadhiya xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa, Maxamed Cali-Nur Xaaji uu hoggaamin doono ergo diblomaasiyiin ah oo uu Midowgya Afrika u xil saaray in ay booqdaan Liibiya si ay qiimeyn ugu sameeyaan xaaladda dadka Afrikaanka ah ee ku xanniban dalkaas.

PUNTLAND POST