Wasiirkii Labaad oo ka tirsan Hirshabeelle oo ku dhawaaqay inuu xilkiisii iska-casilay


Jowhar (PP) ─
Wasiirkii labaad oo ka tirsan Golaha Wasiirada maamulka Hirshabeelle ayaa iska-casilay xilkii uu u magacaabay Madaxweyne Waare, iyadoo ay sii kordhayso xiisada ka dhalatay magacaabista golaha wasiirrada cusub ee maamulkaas oo ay ka hor-yimaadeen xildhibaanada Hirshabeelle.

Wasiir-u-dowlaha Amniga iyo Dhaqan-celinta Hirshabeelle, Muxsin Muxumed Sheekh Shafeec ayaa xalay iska-casilay xilkiisii, wuxuuna iscasilaaddiis uga dhigay sabab inuusan ku qanacsaneyn xilka loo magacaabay.

“Waxaa iska-casilay jagadii la ii magacaabay oo ah Wasiir-u-dowlaha Amniga Hirshabeelle, sababtana waa in aan ku qanacsaneyn xilkaas,” ayuu Muxsin ku yiri hadal uu warbaahinta siiyay.

Is-casilaaddan ayaa daba socota kaddib arkii Arbacadii uu is casilay Wasiir-u-dowlihii Boostada iyo Isgaarsiinta Hirshabeelle, saacado kaddib markii uu Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirrada.

Dhanka kale, Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa wajahaya culeysyo kaga imaanaya Xildhibaanada maamulkiisa, maadaama golihiisa wasiirada uu ka ilaaliyay in xildhibaano inuu kusoo daro, marka laga reebo shaqsiyaad aad  u kooban.

Ugu dambeyn, waxaa jirta cabsi laga qabo in baarlamaanka maamulkaas oo ay tahay in la hor-geeyo golaha cusub ee wasiirrada maamulkaas ay kasoo hor-jeestaan wasiirrada cusub ee uu Waare magcaabay toddobaadkan.

PUNTLAND POST