Maamullada Galmudug iyo Ahlusunna oo heshiis is-af-garad ah ku gaaray dalka Jabuuti


Jabuuti (PP) ─
Maamullada Ahlusunna iyo Galmudug oo Wada-hadallo ay uga socdeen Dalka Jabuuti, ayaa isku af-gartay qodobbo dhawr ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin; habka awood-qaybsiga maamulka Galmudug.

Kulankaan oo socday muddo Toddobaad ah ayaa ugu horreyn ku billowday siminaar looga hadlayay xalinta khilaafaadka oo ay soo qaban-qaabisay Urur Goboleedka IGAD, iyadoo siminaarka kaddib la galay wada-hadalladii tooska ahaa ee labada maamul ee Galmudug iyo Ahlusunna.

Heshiiska labada dhinac ay gaaraan ayaa la filayaa inay Muqdisho si rasmi ah ugu saxiixaan, waxaana labada dhinac ay go’aansadeen inay keligood wada-hadleen oo aan loo dhexeyn.

Qodobbada ay illaa hadda isku af-garteen labada maamul ayaa kala ah;

1. In Ahlu Sunna ay aqbashay magaca Galmudug.

2. In Ahlu Sunna ay aqbashay ku biiritaanka Galmudug.

3. In Ahlu Sunna ay xubno ku yeelato Baarlamaanka Galmudug.

4. In Ahlusunna ay yeelato Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Galmudug iyo Taliye-yaasha Ciidamada Nabad Suggida & Booliska Galmudug.

5. In sidoo kale Ahlusuna ay yeelato Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ku xigeenkiisa, 11 xildhibaan iyo 5 Wasiir.

Ugu dambeyn, Tallaabadaan ayaa muujinaysa in Ahlusunna ay si rasmi ah ugu biirayso maamulka Galmudug, kaddib khilaaf muddo dheer soo socday, waxaana la filayaa in qodobbo kale oo xasaasi ah ay is-af-garad ka gaaraan  dhinacyadan.

PUNTLAND POST