Wafdi ka socda Qatar oo Muqdisho soo gaaray, iyagoo la kulmi doona madaxda Qaranka

Muqdisho (PP) ─ Wafdi ballaaran oo ka socda Xukuumadda Qatar ayaa si diiraran maanta loogu soo dhaweeyay Muqdisho, waxaana wafdigan oo ka kooban shan xubnood ay Muqdisho joogi doonaan muddo dhawr casho ah.

Xubnaha Wafigan ayaa waxaa Muqdisho kusoo dhaweeyay, wasiirro ay ka mid yihiin; Wasiirka Qorsheynta, Danjire Jamal Maxamed Xasan, Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow iyo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Mukhtaar Mahad Daa’uud.

Wafdi ka socda dalka Qatar ayaa waxaa hoggaaminaya Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Qatar ee horumarinta, Khalifa Jassim Al kuwari, waxaana inta ay ku sugna yihiin Muqdisho ay la kulmi doonaan Ra’iisul wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre iyo xubno kale, inkastoo aan la ogeyn waxay kala hadli doonaan.

Socdaalka Wafdigaan ayaa jawaab u ah xiriiro kala duwan oo Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Somalia iyo Qatar ay lahaayeen xilliyadii u dambeeyay si loo taaba-geliyo maashaariic horumarineed oo dhaxal-gal ah.

Ugu dambeyn, Wafdigan soo dhaweyntooda waxaa ka qayb-galay Ku-simaha xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maxamed Cali Gacal iyo Mas’uuliyiin kale oo ay ka mid yihiin; Yuusuf Calasoow, Maxamed Cabdi Cali iyo Dublamaasiyiin kale oo katirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia.

PUNTLAND POST