Xildhibaano kala hadlay Farmaajo sababta loo fulin la’yahay xukunkii dil ee Askarigii dilay Wasiir Siraaji

Muqdisho (PP) ─ Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa xalay kala hadlay Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo wax hor-taagan in la fuliyo dilka Askarigii ka dambeeyay dilkii Wasiir Cabaas Siraaji.

Mudanayaashan Qaarkood ayaa Madaxweynaha weydiiyay su’aalo la xiriira sababaha illaa iyo hadda loo fulin la’yahay go’aankii maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya a ku ridday askariga dilka geystay.

“Annagoo 50 xildhibaan ah kana kala tirsanaa labada gole ee Baarlamaanka ayaa la kulmay xalay Madaxweynaha DF, waxaana kala shirnay caqabadaha hortaagan inuu saxiixo dil lagu fuliyo askarigii ka dambeeyay dilkii Wasiir Cabaas Siraaji, Wasiirkii hawlaha guud ee Somalia, Wuxuuna noo sheegay in arrintaas uusan hilmaamin meel wanaagsanna ay mareyso, isla markaana uu tix-gelinayo go’ankii maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida,” ayay tiri Xildhibaanad Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ahayd kuwii la kulmay madaxweynaha Somalia.

Sidoo kale, Xildhibaan Xaniifa ayaa sheegtay inuusan Madaxweyne Farmaajo caddeyn xilliga la sugayo, laakiin ay dareemayaan in dano Qabiil ay ku hor-gudban yihiin fulinta kiiskaas.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Madaxtooyada oo ku saabsan kulanka ay xildhibaannadu la qaateen madaxweynaha Somalia, waxaase ujeeddada kulankoodu ahaa inuu cadaalad helo marxuum Siraaji, lana fuliyo xukunkii maxkamaddauku ridday askarigii dilkiisa ka dambeeyay.

Dhanka kale, Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli baraha bulshadu ku xiriirto la soo dhigayay todobaadkii hore hadallo ku saabsan dilkaas iyo sababaha loo fulin la’yahay dilka gacan-ku-dhiiglihii dilay wasiir Siraaji.

Ugu dambeyn, Waa markii ugu horreysay oo xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka ay Madaxweynaha DF kala hadlaan arrinta ku saabsan dilkii Marxuum Siraaji iyo Askarigii ka dambeeyay oo horay Maxkamadaha ciidamada ay dil ugu xukumeen.

PUNTLAND POST