Emmirson Mnangagwe oo loo dhaariyay inuu noqdo Madaxweynaha KMG ah ee Zimbabwe


Harare (PP) ─
Dalka Zimbabawe ayaa maanta wuxuu yeeshey hoggaamye cusub, kaddib markii xilka madaxweynaha loo dhaariyay madaxweyne ku xigeenkii hore, Emmirson Mnangagwe oo beddelaya madaxweynihii hore ee dalkaas Robert Mogabe.

Xafladda dhaarinta ayaa waxay ka dhacday Garoonka Ciyaaraha Harare oo ah xarunta Zimababwe, kaasoo ay k sugnaayeen in ka badan 60,000 oo qof oo reer Zimbabwe ah, kuwaasoo si aad ah ugu faraxsanaa isbedellada uu wajahayo dalkooda.

Taageerayaasha Mucaaradka Zimbabwe ayaa ka dalbaday hoggaamiyaha cusub inuu soo af-jaro arrimaha musuq-maasuqa hareerayay dalkaas, kaas oo gaaray heerkiisii ugu sarreeyay.

Sidoo kale, Mnangagwa ayaa horay madaxweyne ku xigeen ugu ahaa Robert Mugabe, isagoo 37-sano lasoo shaqeeyay, waxaana isbedelka Zimbabwe ay wajahayso sababay xil ka qaadistiisii bishii lasoo dhaafay.

Dhanka kale, Waxaa socda qorshe ku aaddan sidii Mugabe uu u yeelan lahaa xasaanad uu kaga badbaadayo in wax dambi ah lagu so oogo. Waxaana tani ay soo af-jaraysaa awooddii Mugabe oo ahaa hoggaamiye aad u ad-dag.

Madaxweynaha cusub ee maanta loo dhaariyay Zimbabwe, Mnangagwa ayaa ballan-qaaday shaqo-abuur xilli heerka shaqo la’aanta Waddanka Zimbabwe ay gaarayso 90%, taasoo dhuun-qabad ku ahayd shacabka dalkaas.

Ugu dambeyn, Sanduuqa Lacagta Adduunka ayaa Zimbabwe ugu baaqday in ay la timaado isbeddel deg-deg ah, isla markaasna hesho deymo. Waxaana la filayaa in cunno-qabateynta laga mudda dheer saarnayd laga qaado.

PUNTLAND POST