Madaxweynaha cusub ee Zimbabwe Muxuu kaga badalnaan doonaa Robert Mugabe?

Harare (PP) ─ “Tani waa bilowga dimuqraadiyad cusub oo ka curatay dalkeena,” Emmerson Mnangagwa ayaa sidaasi u sheegay taagerayaashiisa khudbadiisii ugu horreysay oo goob fagaaro ah uu ka jeediyo tan iyo intii uu dalkaasi ku soo laabtay.

Balse su’aashu waxa ay tahay ma tahay mid dhab ah oraahda Mr Mnangagwa .

Muddo dhan 50 sano,Mr Mnangagwa waxa uu ahaa saaxibka Mugabe ,waxa uuna u ahaa gacantiisa midig.

Waa uu garab taagnaa xilligii halgankii dalkaasi looga xorreynayay caddaankii tirada yaraa iyo xorriyaddii ka dib ba.

Mr Mnangagwa ayaa sidoo kale la sheegay in uu ka dambeeyay qaar ka mid ah tillaabooyiinkii cadaadiska ahaa ee Mr Mugabe gacanta ka siiyay in uu xilka sii hayo.

Hasa yeeshee waxa jira farqi u dhaxeeya ninka imika noqday madaxwaynaha Zimbabwe iyo ninkii siyaasada ku soo barbaariyay.

Waa kuwan qaar ka mid ah farqiga u dhaxeeya:

– Dhalinyarada ayaa garab taagan –

Mr Mnangagwa inkastoo uu ku jiro da’da 70 hadana waxa uu 20 sano ka yar yahay madaxwaynihii uu badalay.

Wali muran ayaa ka taagan in uu jiro 71 sano ama 75 sano.

Balse marka uu Mr Mugabe arrimaha uu si adag u wajaho ayaa waxa la sheegay in Mr Mnangagwa uu ahaa nin si dabacsan u wajaha,marka ay noqoto in uu gaaro hadafkiisa.

Iyada oo la qorshaynayo in doorashada Zimbabwi ay dhacdo sanadka soo socda ayaa xisbiga talada haya ee Zanu-PF, waxaa jagooyiinka sarsare haya dad rugcadaa ah oo u soo dagaalamay xorriyadii.

Waxa uu Mr Mnangagwa rajaynayaa in uu xiriir dhaw la yeesho dhalinyarada oo uu kasbado quluubta dhalinyarada.

Balse si la mid ah Mr Mugabe,waxa uu leeyahay sumcad daro ku saabsan falal arxandaro ah.

Waxa uu wasiirkii ammaanka dalka xilligii uu dhacay xasuuqii Matabeleland sanaddi 1980,markaasi oo 20,000 oo looga shakisanaa mucaaradka la dilay.

Kooxaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa waxa ay ku eedeeyeen Mr Mnangagwa in uu ka dambeeyay howlgalkii ka dhanka ahaa taageerayaasha mucaaradka doorashadii 2008.

Su’aasha muhimka ah ee soo wajahaysa Zimbabwe waxa ay tahay ,in uu ogolaan doono in dalka ay ka dhacdo doorasho xaq iyo xor ah.

Mr Mnangagwa, waxa ugu badan oo uu danaynayo waxa ay tahay in beesha caalamka uu tuso Zimbabwe oo dagan ,si dhaqalaha dalka loo maalgashado.

– Waa nin Furfuran dhanka Ganacsiga –

Wariyaha BBC Stanley Kwenda oo ku sugan magaalada Harare ayaa sheegaya in Mr Mnangagwa uu sumcad wanaagsan ku leeyahay dhanaka waaxda ganacsiga islamarkana uu isku dayay in uu difaaco wax soo sarka beerihii ay haysteen dadka caddaanka,xilligii isbadalkii muranka dhaliyay ee sharciga dhulka.

Mr Mnangagwa ayaa ahaa wasiirka maaliyada intii u dhaxaysay 1995 ilaa1996, markaasi oo dhaqaalaha dalka xasilooni laga dareemay.

Markii uu dalka dib ugu soo laabtay Arbacadii ayaa khudbad u jeediyay waxa uu ku celceliyay in shaqa abuurid uu samayn doono.

Waa kuma Emmerson Mnangagwa?

  • Waxaa loo yaqaanna “yaxaas” sababtoo ah qabiilkiisa ayay astaan u tahay. Taageereyaashiisana waxaa loo yaqaannaa “Lacoste”.
  • Tababar milatari ayuu ku soo kala qaatay Shiinaha iyo Masar.
  • Wuxuu gacan ka gaystay hagidda dagaalkii xorriyadda ee 1970yadii.
  • Wuxuu madax u soo noqday sirdoonkii dalkaas intii ay socdeen dagaalladii sokeeye ee 1980yadii, markaas oo kumannaan shacab ah la laayay.
  • Waxaa loo arkayay isku xiraha ciidammada, laamaha sirdoonka iyo xisbiga Zanu-PF.
  • Waxaa lagu eedeeyay in uu maleegay weerarro lagu qaaday taageerayaasha mucaaradka doorashadii 2008-dii kaddib.

Saxafiga lagu magacaabo Martin Fletcher, oo waraystay sanaddii aanu soo dhaafnay ayaa sheegay in Mr Mnangagwa uu doonayo in uu muujiyo in hogaankiisa uu isbadal ku keenayo Zimbabwe.

Mr Fletcher ayaa u sheegay BBC “waxa uu doonayaa in uu u muujiyo reer galbeedka in uu ka gadisnaan doono Mugabe,

Tani waxaa laga yaabaa in ay micnaheeda noqoto in uu ka taqaluso sharciyada u xaglinaya dadka u dhashay dalkasi ,kuwaasi oo shirkadaha qasab kaga dhigaya in maalgalinta ay samaynayaan boqolkiiba 51 ay iska lahaadeen dadka madowga ah.

Waxaa laga yaabaa in uu xaliyo arrimaha sida lahaanshiyada dhulka iyo in ay dadka caddaanka ah fursad u helaan in ay lahadaan Dhul dalka Zimbabwe.

Xiriirka uu la leeyahay Ciidamada

Mr Mnangwa mar walba waxa uu haystay taageerada ciidamada ,maadaama uu ahaa hogaamiyihii siyaasada ee halgankii xorriyadda ee sanaddi 1970 islamarkana inta badan Janaraalada ciidamada ay qayb ka ahaayeen.

Gaah ahaan, Mr Mnangagwa waxa ay si aad ah isugu dhaw yihiin madaxa militariga Zimbabwe Gen Constantino Chiwenga.

Markii uu dib ugu soo laabtay Harare ka dib iscasilaadii Mugabe, Mr Mnangagwa waxa uu sheegay in si joogto ah uu ula soo xiriirayay madaxda ciidamada ee talada la wareegay.

Mr Mnangagwa waxa uu ahaa nin dhalinyaro ah xilligii halgankii xorriyadda oo uu hormuud ka ahaa.

Markii uu ahaa wasiirka ammaanka sanaddii 1980s,waxa uu xiriir dhaw la yeeshay militariga iyo sirdoonka oo ilaa iyo hadda daacad u ahaa.

Xiriirka uu la leeyahay ciidamada ayaa ahaa arrinta ay walaaca ka muujiyeen mucaaradka.

Xildhibaan Eddie Cross ayaa BBC u sheegay “in Mr Mnangagwa uu siyaabo badan uu masuul uga ahaa burburka Zimbabwe.

“Waxa uu ku lug lahaa qaar badan oo ka mid ah dhacdooyiin aan wanaagsanayn oo sanooyiinkii ugu dambeeyay dhacay,taasi oo ay ku jirto doorashadii 2013″ayuu yiri mr Cross.

“Qaar badan oo inaga mid ah waxa aaan ka cabsi qabnaa in isbadal badan uu dhici waayo “ayuu intaa ku daray.

Qalad kasta oo uu galaba, Mr Mugabe waxa aan shaki ku jirin in uu ahaa nin cod kar ah oo qancin kara dadka isu soo baxa islamarkana hogaamiyayaasha caalamka kala xaajoon kara arrimha dublamaasiyada.

Balse taasi laguma tilmaami karo Mr Mnangagwa. Gabadhiisa ayaa sheegtay in uusan ahayn nin xamaasad leh.

Wiilkisa oo ku sugan Harare oo lagu magacaabo DJ St Emmo) ayaa yiri:”Ma aha nin hadal badan waxa aana u malaynayaa in taasi ay tahay wax ka naxiya dadka oo ay iswaydiiyaan ‘muxuu ku fikirayaa?'”

Mr Mnangagwa ayaa waxa lagu naaneesaa “Yaxaas. Waxa magacan loo bixiyay xilligii halkan xorriyadda lagu jiray.

Xigasho; BBC

PUNTLAND POST