XASAN KHAYRE: Dhawaan ayaa la furi doonaa Waddada isku-xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Baydhabo (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa ka dhawaajiyay in Cidiamada Qalabka sida ee Somalia ay dhawaan bilaabayaan hawl-gal la isugu furayo Wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

Hadalkan ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka sheegay xalay xaflad Madaxtooyada Baydhabo ka dhacday oo uu kula hadlayay Mas’uuliyiinta Koofur-galbeed iyo qeybaha bulshada.

Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay xoogga saari doonto sugida amniga iyo sidii kooxaha nabad-diidka ah looga xoreyn lahaa gabi ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobollada dalka.

“Dhawaan waxay ciidamada qalabka sida oo kaashanaya shacabka Koonfur Galbeed dib u furi doonaan wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Dhanka kale, Mas’uuliyiinta Maamulka Koofur-galbeed Somalia, kuwa DF iyo Hay’adaha sama falka ayaa  diyaarad ku taga Baydhabo, waxaana dariiqa kaliya ee u furan ay tahay Hawada ah oo aanay dhulka ku safri karin.

Ugu dambeyn, Baydhabo ayaa Muqdisho ee u jirta 250-km, Wadada labadan maalmo isku xirtana Al-shabaab ayaa horay u jaray, kaddib markii weeraro ay ka fuliyeen, waxaana dhawr jeer wadada u galeen Mas’uuliyiin iyo gaadiid ciidan oo ay ku safrayeen.

PUNTLAND POST