Madaxweynaha Farance oo dalbaday in QM ay go’aan ka gaarto iibsiga Tahriibayaasha

Muqdisho (PP) ─ Xukuumadda Faransiiska ayaa doonaya in kulan deg-deg ah uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeehsho Muhaajiriinta Afrikaanka ah ee la sheegayo in si addoonimo ah loogu iibiyo Dalka Libya.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in muuqaalo uu baahiyay taleefishinka Mareykanka ee CNN ay yihiin fadeexo, isla markaana aan la aqbali karin.

“Waa dambi ka dhan ah bani’aadannimada,” ayuu yiri Macron kaddib markii uu la kulkmay madaxa ururuka Midowga Afrika, Alpha Conde.

Hadalkiisa wuxuu ku daray. “Waxaan rajeynayaa inaan sii dheereyno dagaalka ka dhanka ah kuwa dadka iibiya ee geystay damiyada, isla markaanna aan la shaqeyno dalalka oo dhan si aan shabakaddan u burburino.”

Muuqaallada uu baahiyay Telefishinka CNN ayaa waxaa ka muuqday xaraash lagu sameynayo dad madow ah oo ay iibsanayeen dad loosoo bandhigay waxaana qaarkood lagu gatay lacag dhan kaliya 400 oo Doollar.

Dhanka kale, Kulanka Golaha Ammaanka ee QM ayaa Toddobaadka dambe dhici doono sida uu shegeey siyaasi Faransiis ah oo la hadlay Warbaahinta, waxaana kulankan looga hadli doonaa dhibaatooyinka lagu hayo kumaanka qof ee tahriib-doonka ah.

Ugu dambeyn, Dalka Liibiya ayaa wuxuu lixdii sano ee lasoo dhaafay ahaa goob ay ka tahriibaan dadka doonaya inay Yurub gaaraan, inkastoo ay tiro aad u badan ku dhinteen intii ay ku jireen safarkooda halista badan; halka kuwo kalena ay gaareen Yurub.

DAAWO: MUUQAALKII UU TODDOBAAD KA HOR BAAHIYAY TELEFISHINKA CNN-KA;

PUNTLAND POST