Ciidamada Amniga Somaliland oo Xiray Xubno ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI

Hargeysa (PP) ─ Ciidamada Ammaanka Somaliland ayaa xiray laba mas’uul oo kala ah; Wasiirkii hore ee Kalluumaysiga iyo Dekeddaha Maxamed Yaasiin oo ka mid ah Saraakiisha xisbiga WADDANI iyo Mudane Maxamed Warsame Caalin (Tima-Cadde) oo ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa.

Mudane Maxamed Yaasiin ayaa lagu eedeeyey buuggii codeynta ee laga soo xaday goob doorasho oo ku taalla Magaalada Berbera, kaddibna xisbigiisu ku eedeeyey Guddiga Doorashooyinka in lagu codeynayay Buugaag been-abuur ah oo aan ahayn kuwii loogu talo-galay Doorashada.

Balse, Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI iyo Guddiga Doorashada ayaa markii ay kulmeen waxaa caddaatay in buuggaas la raadinayay oo laga xaday xarun doorasho.

Sidoo kale, illaa hadda Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiga WADDANi kama soo saarin xarigaan wax war ah, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ka hadli doonaan.

Dhanka kale, Tallaabadan ayaa waxay imaanaysaa kaddib markii maalin ka hor uu ku baaqay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID in lasoo xir-xiro mas’uuliyiintii ka dambeeyay kicinta dadweynaha oo tiro dad ah lagu dilay, kuwo kalena lagu dhaawacay.

Ugu dabmeyn, Doorashadii Toddobaadkii hore ka dhacday deegaannada ay ka kooban tahay Somaliland ayaa waxaa ku guuleystay musharraxii Xisbiga KULMIYE u tartamayay Muuse Biixi Cabdi oo helay codadkii ugu badnaa ee ay shacabku dhiibteen.

PUNTLAND POST