Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo si kulul uga hadlay Doorashadii ka dhacday Somaliland

Hargeysa (PP) ─ Waxaa warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa Inj. Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga UCID, isla markaana ka mid ahaa saddexdii musharrax ee u tartamay doorashada madaxnimo ee Somaliland, wuxuuna si kulul uga hadlay Doorashadii Somaliland dhawaan ka dhacday.

Inj. Waraabe ayaa sheegay inay doorashada ku tartaameen xisbiyo, Haddana uu xisbi ka mid ah suulaystay. Wuxuuna ka digay inay dhibaato dhacdo isagoo sheegay inaan Reer Hargeysa iyo Beesha uu kasoo jeedo aysan marbana rabin inay dagaal ka qayb-gelaan.

Sidoo kale, wuxuu ku baaqay in Maxkamad lasoo taago raggii rabshadihii ka dhacay dhawaan magaalooyin ka tirsan Somaliland kiciyay, kuwaasoo ahaa kuwo ka dhashay doorashada madaxnimo ee Somaliland oo aan natiijadeedii weli lagu dahawaqqin.

Dhinaca kale, Inj. Faysal Cali Waraabe  ayaa eedayn dusha u saaray xisbiga WADDANI oo uu sheegay inay billaabeen hanaan beeleysi ah, isagoo xusay in doorashadu ay dhexmartay saddex xisbi oo reer Somaliland oo aan xilligaan loo baahnayn in beel-beel wax lagu raadiyo.

Ugu dambeyn, Inj. Faysal Waraabe ayaa wuxuu hadalkiisu u muuqda inuu ku guulestay doorashadii madaxnimo ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku  tartamayay magaca xisbiga talada dalkaasa haya ee KULMIYE, inkastoo aan weli si rasmi ah loogu dhawaaqin cidda doorashada ku guuleysatay.

Haddaba, Daawo muuqaalka Shirka jaraa’id ee Inj. Faysal Cali Waraabe

PUNTLAND POST