Agaasimaha laanta socdaalka Puntland oo Booqday xafiiska Magareshanka ee Dekada Bosaso

BOSASO-[Puntland Post]-Agaasimaha Guud ee laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Puntland Maxamed Faarax Qanbi,oo hawlo shaqo u jooga Magaalada Boosaso ayaa maanta Booqday xafiiska megareshanka ee Dekada Boosaso.

Agaasimaha ayaa waxa uu halkaasi ku soo dhaweyey saraakiisha laanta socdaalka ee dekada Bosaso isgoona kulamo la qaataya shaqalaha iyo maamilka xafiiska socdaalka ee Dekada Bososo.

Maxamed Faarax Qanbi Agaasimaha Guud ee laanta socdaalka ee Puntland ayaa saraakiisha iyo  shaqaalaha laanta socdaalka ee Dekada Boosaso ku dhiiri galiyey sida  wanaagsan ee ay shaqada u wadaan waxan sida oo kalena kula dar daaramy ilaalinta sharciga iyo Amaanka dalka.

”Waxa si wanagsan u socda shaqada aad wadan waxan idin kula dar daaramaya in aad sii laba jibaratan shaqada aad bulshada u haysaan isla marakaana masuuliyad gaar ah iska saartan ”sidaas waxa yri Agaasimaha guud ee laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Puntland Maxamed Faarax Qanbi oo maanta Booqday xafiiska Megarashanka ee Dekada Boosaso.

Kormeerka Agaasimaha guud ee Hay,adda socdalka iyo Jinsiyadaha Puntland ayaa salka kuhaya sidii uu u ogaan lahaa baahiyaha ka jira xarumaha Megarshanka ee magaalada Bososo.

Cabdiqani Boos

Puntland Post-Bosaso