Gudoomiyaha Aqalka sare oo ku wajahan Garoowe

Wafdiga uu hugaaminayo Guddoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/laahi ayaa lagu wadaa in ay Saacadaha Soo socda gaaraan Magaalada Garooowe ee Caaasimada Puntland.

Guddoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa Socdaalkiisa waxaa ku wehlinaaya xubno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya kuwaasoo kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda Puntland.

Waxa ay kala hadli donaan arimo kala duwan oo ay kamid thay Dastuurka Qaranka iyo hanaanka doorasho ee Soomaaliya marka la gaaro 2020.

Waxaa Magaalada Garoowe ka socota qaban qaabada lagu soo dhaweynaayo Ma,suuliyiinta ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya ee maanta ku wajahan magaalada Garoowe ee Xaruunta Puntland waxaana si weyn loo adkeeyay Amaanka Magaaladaasi.

Faah Faahin Dib kala soco Insha allah 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho