Puntland iyo Gal-Mudug oo Shir dib u heshiisiin ah uga socdo Magaalada Gaalkacyo

Maalintii labaad ayuu galay Shirkan oo ujjeedkiisu uu yahay  in Xal waara looga gaaro Colaadda inta badan dhex marta Maleeshiyaadka kala taabacsan Maamulada Dariska ah ee Galmudug iyo Puntland ayaa ka dhacay Magaaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug ee Bartamaha Dalka.

Waxaaa goob joog ah madasha shirkan dib u heshiisiineed madaxweyne ku xiggeenka Galmudug Max’ed Xaashi Cabdi, Madaxweyne ku xiggeenka Puntland C/xakiin Xaaji C/llaahi Cumar, Odayaasha dhaqanka iyo Culimada diinta, kaasi oo la filayo in laga soo saaro go’aano ku aadan nabad ku wada noolaanshaha Shacabka Magaaladda Gaalkacyo wada dega.

PUNTLAND POST