Madaxweyne ku Xigeenada Puntland iyo Gal-Mudug oo Gaaray Gaal-kacyo

Madaxweyne ku Xigeenada Puntland iyo Gal-Mudug ee Eng Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey iyo Maxamed Xaashi Carabeey ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Eng Cameey Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ay wehliyaan wasiiro katirsan Puntland saraakiil ciidan oo ka soo amba baxay magaalada Garoowe ayaa gaaray Gaalkacyo.

Dhanka kale Maxamed Xaashi Carabeey Madaxweyne ku xigeenka Gal-Mudug ayaa isna gaaray magaalada Gaalkacyo isaga oo ka soo kicitimay magaalada Cadaado.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay warbaahinta PUNTLAND POST ayaa waxa ay sheegayaan in labada madaxweyne ay u gaareen magaaladaasi xalinta xiisado u dhaxeeyo Puntland iyo Gal-Mudug oo ka soo cusboonaaday Gobolka Mudug.

Labada madaxweyne ku xigeenka ayaa ka wada hadli doono sidii xiisadahaasi loo damin lahaa islamarkaasina wada hadaladii iyo heshiisyadii loo hirgalin lahaa.

Waxa ay howlgalin doonaan ciidamada isku dhafka ah ee Gal-Mudug iyo Puntland kuwaasi oo hadda hoowshooda u muuqato in ay gabeen maadaama ay dhowr dagaal ka dhaceen Gobolka Mudug.

Bariga Gobalka Mudug  ayaa waxaa ka taagan xiisado dagaal oo u dhaxeeyo maleeshiyaad Maleeshiyaad ka soo kala Jeeda Puntland iyo Galmudug.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post