Taliyaha Booliska DF oo Gaadiid Ku Wareejiyay PUNTLAND iyo Gal-Mudug

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya JEN.  C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa maanta ilaa lix baabuur ku wareejiyay Maamuladda Galmudug iyo Puntland,kuwaaso ka so dagay Dakadda Magaalada Boosaaso todobaadkii hore.waxaana goob joog ahaa Madaxweyne ku xigeenada Galmudug iyo Puntland.
Taliyaha Ciidamada Soomaaliya JEN saacid ayaa tilmaamay in u waqti badan u galiyay sidii baabuurtan ay soomaaliya u heli-lahady,kuwaaso muddo labo sanno ah ku xanibnaa Dalka jabuurti,waxaana uu mahadceliyay Punltand oo baabuurta markii ay so dageen dayactir weyn ku samaysay.
Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland JEN C/qaadir Shire Faarax Erag ayaa isna geeskiisa  sheegay in baabuurta afar ka mid ah lo qorsheeyay inay ku shaqeeyan ciidamada isku dhafka ah ee howlgalada ka bilaabidoona magaalada Gaalkacyo. sidoo kale, Taliye ku xigeenka booliska Maamulka Galmudug Xabeeb ayaa xusay in baabuurtan ay ciidamadu dhaqaalaysandoonan,una isticmaalidoonana howlaha dadweynaha.
Dhinaca kalena,Taliyaha booliska Soomaaliya,JEN Saacid,kan Puntland JEN Erag,Labada madaxweyne ku xigeen iyo saraakiil kale ayaa booqday Xarunta cusub ee ay dagayaan Ciidamada isku dhafka ee ka howlgalaya Gaalkacyo.
Ugu Danbaytii,,Taliyaha Booliska Soomaaliya JEN Saacid ayaa labo neef oo geel ah siiyay Ciidamada isku dhafka Gaalkacyo,isagoona u balanqaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu keeni doono agabyada ay u baahanyihiin.
 
PUNTLAND POST