Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey geeridii Dr Maxamed Jaamac iyo Axmed Kismaayo

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Ayaa ka Tacsiyeey Geeridii Naxdinta laheyd ee ku timid  Marxuum Dr Maxamed Jaamac Salaad iyo Axmed Kismaayo.

Madaxweyne Farmaajo oo ka soo muuqday Tv-ga Dowlada ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka tacsiyeeyneeyso Labadaasi Marxuum uu sheegay in ay wax gal u ahaayeen bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa alle uga baryay in uu janadii Firdowso aheyd uu ka waraabiyo Labadaasi Marxuum oo ku kala Geeriyooday Talyaaniga iyo Hindiya.

Allaha u naxariistee Marxuum Dr Maxamed Jaamac Salaad ayaa ahaa Dr Caan ku ahaa Neerfaha iyada oo looga imaan jiray Gobolada Dalka Soomaaliya oo dhan .

Sidoo kale Waxaa isla Maanta dalka Hindiya ku Geeriyooday Allaha u naxariistee Axmed Kismaayo oo ahaa wariye iyo siyaasi rugcadaa ah .

Bahda Puntland Post Waxa ay alle uga baryayaan labadaasi Marxuum in uu janadii Firdowso aheyd ka waraabiyo qabrigoodana uu u nuuriyo.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho