Xildhibaano Muqdisho ka Wada Abaabulka Wada-hadal Dhexmaraya Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab

Xildhibaan C/laahi Sheekh Ismaaciil oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo in uu wada-hadal lagalo  Al-shabaab oo Dowladda dagaal kula jiro.

Xildhibaanka ayaa Warbaahinta sheegay in ay muhiim tahay in wada-hadal uu dhexmaro Dowladda Soomaliya iyo Al-shabaab si buu yiri dadka Soomaliyeed ay u halaan nabad waarta.

“Waxaa Muhiim ah in wada-Xaajood lala galo Al-shabaab, sida la sheegay waxaa Soomaliya marka la gaaro sanadka 2021-ka ka baxaya Ciidamada AMISOM, Al-shabaab waxa ay qorshaynayaan in ay la wareegaan goobaha ay AMISOM ka baxayaan si taasi loogu hortago waxaa muhiim ah in wada-hadal lala galo Al-shabaab”, ayuu yiri Xildhibaan C/laahi Sheekh Ismaaciil.

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa markii la doortay kadib dhowr jeer ku celceliyay in Dowladiisa ay wada-hadal la gali doonto Al-shabaab si dadka Soomaliyeed ay nabad u helaan.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho