Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo u dhoofay Dalka Koofur Afrika

Gudoomiyaha  Baarlamaanka Soomaaliya  Mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta u amba-baxay Dalka Koofur Afrika, Halkaasi oo uu uga qeybgali doona Shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamanada Afrika ee Ururka (Pan-Africa Parliament) oo Soomaaliya aya xubin ka tahay.

Jawaari ayaa xusay in Shirkaas uu yahay mid muhiim ah oo looga hadlayo Arimaha Dhalinyarada qaaradda Afrika iyo Qulqulka Qaxootiga ka Safraya Qaarada Afrika ,sidaa Darteedna Soomaaliya Arintaas si weyn u daneynayso maadaama tirada ugu badan ee Dadka Soomaaliyeed ay dhalinyaro yihiin isla markaana heerka shaqo la’aantana uu aad u sareeyo taasi oo Sababtay Tiro badan oo dhalinyaro AH Dalka ka Cararaan.

“Safarkeyga waxaa uu ku saabsan yahay in aan ka qeybgalo Shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka Afrika oo sanadkii mar la qabto kaas oo socon doonta ilaa 11 bishan,” ayuu yiri Jawaari.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jawaari ayaa sheegay in Shirka looga wada Arinsan doono sida Dhalinyarada Dalalka Afrika loogu diyaarin lahaa in ay noqdaan Hoggaamiyeyaal Wanaagsan oo Wadamadooda u horseeda maamul wanaag iyo ku dhaqanka sharciga.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho.