Duqeyn lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo ka dhacday Gobalka Sh/Dhexe

wararka ka imaanaya Degaanka Cali Fooldheere Ee Gobolka Shabellaha Dhexe oo hoostaga Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo ay Madaaciif ku garaaceen Tuulooyin ku Xeeran deegaankaasi

Degaanka Cali Fooldheere oo dhowr jeer ay ku dagaalameen Ciidamada Xoogga Dalka iyo Al-shabaab ayaa hadda waxaa ku Sugan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka oo ku sugan Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa puntlandpost u sheegay in Duqeynta lala beegsaday Xubno Sar oo ka tirsan Al-shabaab islamarkaana ay dhimasho iyo Dhaawac ka soo gaartay Duqeynta.

Dhanka kale Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabelle ayaa Xaqiijiyay Wararka sheegaya in Duqeyn lala beegsaday Saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin Degaanka Cali Fooldheere Tuulo u dhow,balse waxaa ay ku gaabsadeen in ay qiimeenayaan Khasaaraha Dhimasho iyo midka dhaawac ee Shabaab ka soo gaaray Duqeynta dibna ay ka soo sheegi doonaan.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho