Doorasho Xasaasi ah oo Muqdisho ka dhacaysa iyo hadal heynta C/raxmaan Faroole

Doorashada Gudoomiyaha Guddiga dib u Eegista Dastuurk Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inay ka dhacdo Xarunta Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya ee Villo-Hargeysa, halkaasi oo hada ay ku sii qulqulayaan Madaxda sare ee Dowladda Soomaaliya oo goob-joog ka noqonaya Doorashadaasi.

Doorashada Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb-galaya Gudoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madax kale oo uu ka mid yahay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

Xildhibaano garaaya 10-Xubnood oo isku Jira Aqalka sare iyo Golaha Shacabka ayaa soo dooranaya Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka oo ay u sharaxan yihiin dhowr Musharax oo u tartamaya Xilkaasi.

Xildhibaanada qaarkood ayaa Puntland Post u sheeegay in shaqsiga ku haboon Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka uu yahay Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Mudane C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo hada ka  mid ah Xildhibaanada Aqalka sare.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho