Cali Khaliif:-“Khaatumo waxaa laga Burburinayaa Muqdisho iyo Garoowe”

Madaxweynaha maamulka Khatumo Cali Khaliif Galeyr oo la hadlay Laanta Afka Soomaliga ee BBC-da ayaa ku eedeeyay Puntland in ay  faragalin  ku hayso jiritaanka maamulka Khatumo, isaga oo ku eedeeyay in ay ku lug leedahay khilaafka soo kala dhaxgalay maamulkiisa.

Galeyr ayaa sheegay in khilaafka ka dhax jira maamulka uu madaxweynaha ka yahay laga soo abaabulay sida uu hadalka u dhigay magaalooyinka Garoowe iyo Muqdisho, oo uu sheegay in maamulada halkaas ka jira ay yihiin kuwa aan doonaynin jiritaanka Khaatumo.

Kulan dhawaan garab ka mid ah baarlamanka maamulka Khatumo uu yeeshay Buuhoodle islamarkaana uu shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaas Maxamuud Sheekh Cumar ayaa lagu sheegay in xilkii looga qaaday madaxweyne ku-xigeenkii Cabdulle Maxamed Heybe Cagalule.

Laakiin isla garab kale oo baarlamaanka Khaatumo ka tirsan ayaa iyaguna fadhi ay yeesheen waxaa ay ku sheegeen in ay xilkii ka qaadeen madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

Degmada Buuhoodle oo ah halka ay xiisadan siyaasadeed ka jirto ayaa waxaa ku wada sugan madaxweynaha maamulka Khatumo iyo guddoomiyaha baarlmaaanka oo isku dhinac ah iyo dhinaca kale madaxweyne ku-xigeenka la sheegay in xilka laga qaaday iyo siyaasiyiin ay isku aragti yihiin.

PUNTLAND POST