Somaliland oo xirtay Kaniisad laga furay Hargeysa

Somaliland ayaa maanta War-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ay xirtay Kaniisad muddo 30 sano ah dib looga furay magaalada Hargeysa ee  xarunta maamulkass.

Wasiirka Diinta Awqaafta Somaliland SHiikh KHaliil Cabdulaahi Axmed oo maanta Warbaahinta ku la hadlay xarunta madaxtooyada Somalilnad ayaa sheegay in Xukuumaddu go’aan ku gaartay in ay albaabada u laabto Kaniisadda 30-ka sano kadib laga furay Hargeysa.

Wasiirka Diinta Awqaafta Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin wax heshiis ah oo ay la galeen cid kale.

Go’aanka ay Somalinad ku gaartay in ay xirto Kaniisadda ayaa waxa uu ka danbeeyay, kadib markii Xalay Culuumadda Somaliland ay soo saareen War-saxaafadeed ay ku diidan yihiin Kiniisadda.

PUNTLAND POST