Xildhibaanad Xaawo:- “kala diristii Golaha Wasiirada Baarlamaanka Puntland waa ku deg degeen”

Xildhibaanad Xaawo Axmed Yuusuf oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kaga ee ka soo jeeda deegaanada Puntland ayaa ka hadashay sida ay u aragto tilaabadii Shalay Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay Xasaanadii kala laabteen Golaha Wasiirada Puntland.

Xildhibaanad Xaawo Axmed Yuusuf oo la hadleeysay warbaahinta ayaa sheegtay in marka hore Xildhibaanada laga doonayay in ay mid mid u la xisaabtaan xubnaha Golaha wasiirada ka hor inta aanay go’aanka kala dirista qaadan.

Xildhibaanada ayaa sheegtay in go’aankaasi uu ahaa mid lagu deg degay islamarkaasina ay aad uga xuntahay.

Waxa ay sheegtay in Baarlamaanku uu xaq u leeyahay in ay kala diraan xubnaha Golaha wasiirada, hayeeshee la doonayay in ay sameeyeen la xisaabtan.

Shalay Baarlamaanka Puntland ayaa kalsoonidii kala laabtay xukuumada Puntland oo ay saloogeen waxqabadkoodii.

Hoos ka Dhageyso Codka Xildhibaanad Xaawo Axmed Yuusuf.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho