Puntland oo biyo xireen ka bilowday Deegaanka Xamxamaa ee Gobolka Nugaal

Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Dowlada Puntland  ayaa maanta dhagax dhigtay Biyo xireen laga samaynayo Togga Dhuugleey oo ku yaala deegaanka Xamxamaa ee Gobolka Nugaal, Waxaana ka qeybgalay munaasabada Madaxda Wasaaradda Deegaanka, Masuuliyiin ka socota Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha, Beeraha, Xafiiska Deegaanka Dowlada Federalka Somalia,Maamulka iyo Shacabka Tuulada Xamxamaa, iyo  Qaar ka mid ah Hay,addaha Bahwadaagta la ah Wasaarada Deegaanka Puntland.

Agaasimaha waaxda deegaanka ahna xiriiriyaha mashruuca biyaha ee hormarinta hab-nololeedka xoolo-dhaqatada iyo beeralayda Puntland (WALP)  Maryam Maxamed Aadam oo ka hadashay furitaankii Biyo xireenka Xamxamaa ayaa sheegtay inuu mashruucan ka koobnaan doono labo-biyo xireen oo loogu talagalay inuu midkiiba qabto in kabadan “Boqol kun oo fuusto” xili roobaadka.

Waxay sheegtay Maryam togga dhuug  inuu ku guulaystay daraasad casri ah oo ay wasaarada deegaanku horey u samaysay islamarkaasna uu buuxiyey shuruudihii loogu talagalay ayna ka faa’iidaysan doonaan biyaha la qabanayo dadka, duunyada iyo Duurjoogtaba.

Maamulka Xamxamaa iyo Waxgaradka Deegaanka oo ka qaybgalay dhagaxdhiga Biyo xireenka ayaa u mahadceliyay Wasaarada Deegaanka Dawlada Puntland oo ay sheegeen inay mudo ku mashquulsanayd sidii Togga Dhuugley looga samayn lahaa biyo xireen.Waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin sidii ay qeybtooda uga qaadan lahaayeen dhismaha biyo xireenka, Islamarkaana ay gacansiin doonaan Wasaarada iyo Injineerada fulinaya mashruucan.

Wasiir kuxigenka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Dawlada Puntland Marwo Siciido  Xuseen Cali ayaa dhankeeda sheegtay inay ku faraxsan tahay dhismaha biyo xireenka togaga Dhuugley waxayna ugu baaqday dadka deegaanka inay samaystaan Beero si ay uga faaiidaystaan biyaha loo qabanayo taas oo ay sheegtay in looga bixi karo dhibaatooyinka Cuno yarida oo mar walba soo noqnoqda.

Agaasimaha Waaxda hormarinta Xanaanada Xoolaha ee Wasaarada Xanaanadaha Xoolaha DPL ayaa isna dhankiisa ugu baaqay dadka deegaanka marka biyo xireenka la sameeyo inay Calaf u beeraan Xoolahooda si ay uga gaashaantaan dhibaatooyinka Abaaraha soo noqnoqda, Nabaad guurka iyo Biyo yarida.

Agaasimaha xafiiska deegaanka ee dawlada Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdirashiid Maxamed Maxamuud (XIdig) oo isna ka qaybgalay Dhagax dhiga Biyo xireenka maanta laga sameeyay Tuulada Xamxamaa ee Gobolka Nugaal ayaa sheegey inuu qeyb wayn ka qaadan doono dhismaha biyo xireenkan hormarka Deegaanka, Wuxuuna carabka ku dhuftay in dawlada Federaalka Soomaaliya ay maamulada kale ee dalka ka jira ugu baaqayso sidey ugu dayan lahaayeen Wasaarada Deegaanka Puntland oo uu ku amaanay mid mudooyinkii ugu dambeeyay ku fooganayd dhismaha Biyo xireenada.

Wasiirka Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska DPL Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo si rasmi ah u dhagax dhigay Biyo xireenka laga dhisayo deegaanka Xamxamaa ayaa sheegey inay wasaaradiisu xooga saareyso sidii shacabka Puntland uga bixi lahaayeen biyo yarida, Islamarkaana uga faa,iideysan lahaayeen biyaha roobka oo khasaara sanad walba.

Wuxuu sheegey Wasiir Cali Cabdulaahi inay la socdaan dhismaha Biyo xireenkan mashaariic yaryar oo ay ka mid tahay Haan-wayn oo Biyaha lagu kaydiyo si ay xoolaha iyo Duurjoogtu bauga cabaan xilli walba wuxuuna sheegay in Haantani ay ku shaqayn doonto tamarta deegaanka Saaxiibka la’ah ee Qorxda.

Wuxuu intaas ku darey Wasiirku in dhismaha Biyo xireenka Togga Dhuugley uu ka mid noqonayo kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ku mashquulsan tahay Dowlada Puntland, Wuxuuna ugu baaqay dadka deegaanka inay ka faa’iidaystaan mashaariicdan islamarkaasna ay ilaaliyaan nadaafadiisa iyo hormarkiisaba biyo xireenka laga samaynayo deegaanka Xamxamaa ee Gobolka Nugaal

Ugu dambeyn Wasiir Cali Cabdulaahi ayaa u mahadceliyay Bahwadaagta Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Puntland sida Hay,addaha Caalamiga iyo Kuwa Dowliga ahba.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST