AKHRISO: Amar Culus oo la dul dhigay masuuliyiinta Dowlada

Warqad qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Amniga Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa amar la dul dhigay masuuliyiinta dowlada.

Wasiirka ayaa ku amray masuuliyiinta dowlada in ilaaladooda iyo hubkooda ay iska soo diiwaan galiyaan wasaarada amniga.

Waxa uu sidoo kale amarkaan lagu sheegay in masuuliyiintu dowladu aysan 4 ilaalo iyo laba baabuur ka badanaysan ku dhex wadan karin Muqdisho.

sidoo kale hubka masuuliyiinta ayey wasaarada amniga ku xadiday in uu u weeynaado Qoriga loo yaqaano AK47.

Hoos ka Aqriso Warqada.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho