Khasaare Lixaad weyn oo ka dhashay dagaalkii xalay dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Al-shabaab

Wararka laga helayo saldhiga ciidanka Puntland ku leeyihiin deegaanka Af-urur ee buuraha Galgala ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal khasaare ba’an geystay, dagaalka ayaa ahaa mid ay soo qaadeen maleyshiyada Al-shabaab.

Si rasmi looma oga tirada dhabta ah ee labada dhinac wax uga noqotay dagaalkaas, wararka Puntland Post soo gaaraya waxay sheegayaan in dagaalkii halkaas ka dhacay ay wax ku noqdeen ciidamo kor u dhaafaya 80 nin oo labada dhinac ah.

Taliyaha Guud ee ciidamada Puntland  Gen. Siciid dheere ayaa saaka gaaray goobta uu dagaalku ka dhacay.

Faahfaahinta dagaalkaas kala soco wararkayaga dambe.

PUNTLAND POST
GAROWE