Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo Qardho ku daahfuray Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare

Madaxweyne Ku Xigeenka  Puntland Ahna Sii Hayaha Xilka Madaxweynaha
Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta 20 May 2017
waxa uu safar shaqo ku tagay degmada qardho ee xarunta Gobolka
Karkaar, wuxuuna si rasmi ah u daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee
dugsiyada dhexe iyo sare ee Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka waxaa safarkiisa ku wehelinaya masuuliyiin ka
tirsan golayaasha Dawladda Puntland oo ay ka mid yihiin Wasiirka
Waxbarashada Puntland, Wasiirka Amniga, Wasiirka Haweenka, Wasiir
Xigeenka Arrimaha Gudaha, Xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan
Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Munaasabada Imtixaanka lagu Daahfuray ayaa waxaa ka qayb galay
Maamulka Waxbarashadda gobolka Karkaar, maamulka Gobolka Karkaar,
maamulka degmada Qardho iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Waxbarashada Puntland Abshir Aw-yuusuf Ciise ayaa ugu horrayn
tilmaamay arrimo dhowr ah oo khuseeya imtixaanaadka, wuxuuna
macalimiinta iyo ardayda ku amaanay sida wanaagsan ee ay ugu diyaar
garoobeen imtixaanaadka dugsiyada dhexe iyo sare ee Puntland.

Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa dhankiisa dardaaran u jeediyay guud ahaan
ardayda ka qayb galaysa imtixaanaadka shahaadiga ah ee Puntland
wuxuuna ku adkeeyey inay is dejiyaan iskuna kalsoonaadaan isla
markaana ay ilaaliyaan shuruucda ay Wasaaraddu u dejisay nidaamka
imtixaanka si ay u helaan natiijo wanaagsan.

Imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare ee Puntland
waxaa ka qayb galaya arday isugu jira wiilal iyo gabdho oo tiradooda
dhan tahay 12,687, xarumaha lagu gelayo imtixaanaadkan tiradoodu waxay
dhan tahay 85- xarunmood, sidoo kale waxaa imtixaanka kormeeraya 99-
kormeere, iyadoo ay imtixaanka ilaalin doonaam mudada uu socdo
635-macallin oo kamid ah macaliinta Puntland.

Guddoomiyaha Waxbarashadda Karkaar Bashiir Axmed Gaaleri oo ka mid
ahaa Mas’uuliyiintii ka hadlay Munaasabada, ayaa sheegay inuu aad ugu
faraxsan yahay in Qardho lagu Daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee
Puntland.

Bashiir Axmed ayaa amaan u jeediyay dawlada Puntland ee uu hormuudka u
yahay Madaxweyne Gaas, taasi oo uu sheegay inay door wannaagsan ka
qaadatay hormarka Waxbarashadda Puntland.

Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdulqaadir Siciid Caarshe, ayaa
boggaadiyay shaqada ay Wasaaradda Waxbarashada Puntland u hayso
Ummadda reer Puntland, wuxuuna sheegay inay tahay Wasaarad ku dayasho
mudan.

Duqa degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan Dheere, ayaa sheegay in
Qardho ay caan ku tahay Waxbarashadda, wuxuuna Ardayda u rajeeyay
hormar iyo dadaal wannaagsan.

Qorshaha lagu hagayo imtixaanaadkan waxaa sanad kasta isku dubba ridda
oo hogaamisa Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland,
waxayna dedaal dheeraad ah ku bixisaa in ay hubiso in guud ahaan
ardayda Puntland lagu ilaaliyo waxbarashada.

PUNTLAND POST