Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Daahfuraya Imtixaanka Fasalada 8-aad Iyo 12-aad Ee Puntland

Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Cameey ayaa maanta Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar ka Daahfuraya imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland.

Sidoo kale Waxaa imtixaankaan u fadhiisan doono Ardayda Fasalada 8-aad Iyo 12-aad ee Sanad Dugsiyeedka 2016/2017.

Horay wasaarada Waxbarashada ee Puntland ayaa sheegtay in imtixaanka uu sanadkaan ka badalnaandoono sanadadii hore.

Puntland Post waxa ay halkaan idin kaga soo gudbineeysaa Jadwalka Imtixaanka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post