Galmudug oo Wasiir ka tirsan Puntland ku wareejisay gaari laga soo dhacay

Ciidamada Booliska Dowladda Goboleedka Galmudug ayaa ku guuleystay in ay gacanta kusoo dhigaan gaari Land Cruiser ah uu dhawaan lasoo baxsaday nin darawal u ahaa wasiir Ku-xigeenka Wasaaradaa Haweenka Puntland Farxiyo Yuusuf Xirsi.

“Gaarigaan uu si sharci daro ah uga soo dhacay wasiirada darawalkii gaariga u waday waxaana uu damcay in uu gato isagoo ula soo baxsaday dhanka Galmudug laakiin nasiib wanaag waxay noqatay wasiirada gaarigeedii oo nabad qaba in aan furihiisii gacanta ka saarno meeshay doontana ay u wadan karto tuugiina xabsiguu ku jiraa” ,  ayuu yiri taliyaha Taliyaha qeybta booliiska gobalka mudug ee Galmudug G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar oo goobta ugu horeyntii ka hadlay.

Dhanka kale wasiir Ku-xigeenka Wasaaradaa Haweenka Maamulka Puntland Farxiyo Yuusuf Xirsi ayaa kaga mahadcelisay Ciidamada Booliska Dowladd Goboleedka  Galmudug sida ay ugu guuleysteen in gacanta lagu soo dhigaan Gaarigaan iyo darawalkiisa la baxsaday.

Hoos ka Daawo Sawirada.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post