BURTINLE: Xukun Lagu Riday Nin kufsaday Gabar 13-jir ah

Maxkamada degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal ee  Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah  shan sano oo xarig ah ku riday Bashiir Cabdulqaadir Daahir oo lagu helay dambi ah  inuu ka dambeeyay kufsigii Gabadh 13 sano oo lagu kufsaday degmadaas.

Maxkamadda  degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal ee Puntland waxaa kale oo ay ku xukuntay saddex milyan oo ganaax ah iyo meherkii gabadhaas oo dhan 44 sako oo Ari ah, madaama uu Gabarnimadeeda seejiyay.

Hoos ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

puntland Post