Wasiir Qarjab: “Dadka Kufsiga geysta hadii la waayo Aabayaashood ayaa la xiri doonaa”

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa sheeg in Puntland aanay u dul qaadan doonin dhibaatooyinka kufsiga ah ee loo geeysto haweenka ku dhaqan Puntland.

Wasiir Qarjab ayaa ugu baaqay dadka ku dhaqan Burtinle in gacanta dowlada la soo galiyo 7 Ruux oo oo kufsi u geeystay Gabar 13-jir ah.

Wasiir qarjab ayaa ku hanjabay in haddii gacanta dowlada lagu soo wareejin waayay ku hanjabay in ay xiri doonaan waalidiinta dhashay dhalinyaradaasi kufsiga geeystay.

“Dambiile waa dambiile, waalana qabanayaa, Waxaan rabnaa in sida ugu dhaqsiyaha badan loo keeno damiilayaasha walaahi ka tagi mayno, haddii aan weyno Aabayaashood ayaa qabanaynaa.” ayuu yiri wasiirka anmniga dowladda Puntland oo balanqaaday shabaq lagusoo doonay dambiilayaasha inuusan dib ugu laabandoonin caasimadda Garowe.

Madax ka socoto dowlada Puntland ayaa u joogo Burtinle kiiska Gabar 13-jir ah oo lagu kufsaday degmada Burtinle.

Hoos ka dhageeyso Codka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post