Madaxweynaha Jubbaland oo Tacsi u Diray Wasiirkii Howlaha Guud oo ka soo Jeeday Jubbaland

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo dhamaan Xubnaha Golayaasha Dowladu waxay Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan qaraabadiisa iyo Asxaabtiisa ay la wadaagayaan tiiraanyada geerida ku timid Allah ha u Naxariistee Wasiirkii Hawlaha guud ee Dowlada Soomaaliya  Cabaas Siraaje ahaana Xildhibaan Qaran oo laga soo doortay Jubbaland.

Jubbaland waxay ku boorinaysaa dhamaan Laamaha kala duwan ee Dowlada Soomaaliya in baaritaan baahsan lagu sameeyo qaabka ay wax u dheceen.

Displaying 18254234_1416677731687010_2011295132_n.jpg

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho