Golaha Wasiirada Cusub oo kulan kooda ugu horeeyo ku yeelanaya Muqdisho

Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya ayaa maanta kulankoodi ugu horeeyey ku yeelanaya Magaalada Muqdisho kaasi oo uu Shir Gudoomin-doono Ra’iisulwasaaraha Xukumada Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre waxaana looga Doodi doono Ajandayaal kala Duwan oo Muhiim u ah Xaalada Dalku uu ku jiro.

Ajandaha ugu horeeya kulanka Golaha Wasiirada ayaa ah inay Isbartaan Xubanaha Golaha Wasiirada Xukumada Federaal-ka Soomaaliya waxaan intaa ka Dib ay ka Doodi Doonaan Arimaha Amniga Qaranka iyo Abaaraha Dalka ka Jira iyo qaabka loogu Gurman karo Dadka ay Abaartu Sida Xoogan u Saameysay.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Golaha Wasiiradiisa ayaa lagu wadaa inay maanta Kulan kooda ay ku soo hadal qaadaan hanaan cusub oo dowlada Soomaaliya ay u wajihi doono Dagaalka ay kula Jirto Al-Shabaab iyo sugida Amniga Caasimada Muqdisho oo intii ay dhisnayd Dowlada Cusub ee Soomaaliya ay ka dhaceen Qaraxyo Dad badan ay ku dhinteen.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho