Nabadoon Xarago oo Dib Xuriyadiisii u helay

Nabadoon Abdiqaadir Axmed (Xarago) oo muddo 16-cisho ah ku xirnaa Xabsiga magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa Maanta dib u xuriyadiisii u helay.

Nabadoonka oo saakay la horgeeyay Maxkamadda Darajada 1-aad ee Gobolka Bari , ayaa inta aan la qaadin dacwadiisa oo aheyd in uu ka Tirsanyahay Al-shabaab waxaa lagu wargaliyay in uu fasax yahay islamarkaana aan wax dambi ah aan loo haysan.

“Saakay waxaa la I horgeeyay Maxkamadda Darajada 1-aad ee Gobolka Bari ee Maamulka Goboleedka Puntland, waxaa laygu wargaliyay in aan fasax ahay”, ayuu warbaahinta u sheegay Nabadoon Abdiqaadir Axmed (Xarago).

Madaxweynaha Puntland Dr C/wali maxamed Cali Gaas iyo Mas’uuliyiinta Gobolka Bari oo siyaabooyin kala duwan ugu hadlay xariga nabadoonka ayaa sheegay in nabadoonka uu xiriir la leeyahay Al-shabaab islamarkaana uu dhowr jeer oo hore xabsiyada ku booqday raga ka Tirsan Al-shabaab Waa sida ay sheegeene.

22-kii bishii February aynu soo dhaafnay Ciidamada amaa Puntland ayaa hoygiisa kala baxay Nabadoon Abdi Qadir Axmed (Xarago) kadib markii maalmo ka hor uu xabsiga ku booqday dhalinyaro ku eedeysay shabaabnimo.

PUNTLAND POST