Ciidamada Booliska Galmudug oo Shaqo joojin sameeyay

Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ee caasimada Kmg ah e Maamulka Galmudug ayaa ku waramayaa in Ciidamada Booliska magaaladaas ay ku dhawaaqeen shaqo joojinta.

Ciidamada booliska ee shaqada joojinta sameeyay ayaa ka cabanaya mushaar la’aan tan iyo markii lagu dhawaaqay maamulka Galmudug sanadkii 2015-kii aynu kasoo gudubnay.

Taliyaha Ciidamada Booliska Magaalada Cadaado ee maamulka Galmudug Cumar Macalin oo warbaahinta kula hadlay Magaaladaas ayaa sheegay in Ciidamada ay go’aan ku gaareen in shaqo ay sameeyaan madaama aysan helin wax mushaar ah.

Waxa uu sheegay in cabsida ugu weyn ee haatan soo wajahayso Taliska Booliska Cadaado ay tahay in Maxaabista ku xiran xabsiyada Magaalada Cadaado in ay baxsadaan madaama aysan jirin Ciidamada haatan ilaalo ka ah xabsiyadda.

Waxa uu ugu baaqay madaxda Maamulka Galmudug in ay wax ka qabtaan arintaan si uusan khalkhal u galin amaanka Magaalada Cadaado.

PUNTlAND POST