Puntlnd oo Maxkamad soo taagaysa Nabadoon Xarago

Puntland ayaa sheegtay in Maxkamad lasoo taagi doono Afhayeenka Nabadoonada Gobolka Bari ee C/qaadir  Xarago oo todobaadkaan gudihiisa xabsi ay dhigeen Ciidamada Amaanka kadib markii uu sheegay in xabsiga Boosaaso lagu jirdilay 7 dhalinyaro ah.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen. Cabdqaadir Shire Faarax Erag oo lahadlayay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in Maxkamadda lasoo taagayo Afhayeenka  Nabadoonada Gobolka Bari ay noqon doonto mid cadaalad ah islamarkaana go’aanka ay soo saarto lagu qaadi doono.

“Qofka markii uu fadhiyo miiska cadalaadda waxa uu xaq u leeyahay in uu dooddo, maxkamaddaasi dhammaan cadeemahooda waa la hayaa, dad aniga aan garanay cida ay u sheeqaan ayaa waxa ay sameenayaan shacab kicin, maxay ka faa’idayaan hadii ay gurigooda dab qabadsiiyaan ayuu yiri Jen. Cabdqaadir Shire Faarax Erag.

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili Afhayeenka Nabadoonada Gobolka Bari Gobolka bari ee C/qaadir uu booqday xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso intaas kadib uu saxaafadda u sheegay in 7 dhalinyaro ah lagu jirdilay Xabsiga si ay u qirtaan dambi aysan laheyn.

Hoos ka dhageyso Codka Taliyaha.

PUNTLAND POST